Madaxweynaha Hirshabelle “Bisha Soon-fur waxay inoo curatay anaga oo weli ku sugan furimaha dagaalka”

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka waxa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Bishii barakeysneyd ee Ramadaan Madaxweynaha ayaa waqtigiisa u huray dardargelinta howlgalka dabargoynta Khawaarijta.

“Bisha Soon-fur waxay inoo curatay anaga oo weli ku sugan furimaha dagaalka. Qof walba ayuu waajib ku yahay gulufka dabar-goynta Khawaarijta.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku ammaanay geesiyaasha Soomaaliyeed ee isugu jiro Daraawiishta Hirshabeelle, Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka sida ay uga go’an tahay in dalka laga xorreeyo Khawaarijta.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku baaqay inaan loo kala harin dhammeystirka kooxda nafla-caariga ah.