Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Caawa Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Guddoomiyaja Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Kulanka oo ahaa Salaan iyo is xogwareesi ayaa waxaa ay kawada hadleen xirireerka labada dowlad Goboleed eeĀ  Galmudug iyo Hirshabelle iyo iskaashiga labada maamul dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo bulshada,sida uu sheegay Guddoomiye Cusmaan Barre.

“Waxaan caawa hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku booqanay madaxweynaha Galmuudug Mudane axmed cabdi kaariye qoor qoor,waxaana la wada hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim ah ayuu yiri” Guddoomiyaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in madaxweyne qoor qoor ay ugu hambalyeyeen doorkiisa hogaamineed iyo isku keenkii maamulka galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulamo kala duwan ka wada Muqdisho, waxaana uu Maanta la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filis)