Iftin Foundation oo soo bandhigtay tirada Qalin jebiyeyaasha Dugsiyada & Jaamacadaha Dalka

Hay’adda Iftin Foundation ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay warbixin-sanadeedkii ay ka diyaarin jirtay tirada ardeyda ka baxday dugsiyada iyo jaamacadaha dalka.

Munaasabadda lagu soo bandhigayay Sahankan oo lagu qabtay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bushadda, Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xaafiiska Ra’isul Wasaaraha, Mas’uuliyiin ka socotay Jaamacadaha Dalka, Ururrada Jaamacadaha sida Somali REN iyo ASU “Association of Somali Universities”, Dalladaha waxbarashada oo ay ka socdeen FPENS iyo SAFE, araday iyo marti Sharaf kale.

Waxaa halkaa hadal ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, Md. C/raxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo ku ammaanay ugana mahadceliyay Hay’adda Iftin Foundation dadaalka ay gelisay soo bandhigidda xogtaan oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Daraasaddan waxaa ku jira xogo waxtar u leh guud ahaan bahda Waxbarshada, Ganacsatada iyo Dowladdaba” ayuu yiri Wasiir Jaabiri oo intaa ku daray inay Wasaaradda Waxbarashada xogtan tixgelinayso, kuna dhaqmayso”.

Wasiirka oo xigaynay daraasaddan ayaa sheegay in wax lagu farxo aysan ahayn in kulliyadaha Xannaanada Xoolaha, Beeraha, kheyraadka badda iyo cilmiga dhulka “Geology” oo ay dadka Soomaaliyeed baahi wayn u qabaan ay ka mid noqdaan kulliyadaha ugu ardayda yar, wuxuuna ugu baaqay bahda waxbarashada, waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan barashada kulliyadaha dalkeena faa’iidada dhaqaale iyo mid horumarba u leh.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ha’yadda Iftin Foundation Mudane C/llaahi Maxamed Xasan “Black” oo sheegay in daraasaddan ay tahay tii afaraad oo xiriir ah oo ay hay’addu soo bandhigto, wuxuuna xusay in xogtaan laga soo ururiyay 52 Jaamacadood oo ku kala yaalla ilaa 15 magaalo oo ka kala tirsan dawlad-goboleedyada Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Mudane C/qaadir Nuur Xuseen “Maax”, Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed C/llaahi Macallin Axmed “Sabaax”, Eng. Axmed Daahir Siyaad oo ka socday SomaliRen iyo Agaasimaha FPENS Mudane C/risaaq Max’ed Sh. C/llaahi “Nadaara”

Tirada Guud ee ardayda sanadkii hore 2019 ka soo qalinnjebisay Jaamacadaha dalka waxay gaarayaan 15,927 ayday, oo 5,723 ay gabdho yihiin, halka 10,204 ay yihiin Wiilal. Waxaa sidoo kale xogta lagu soo bandhigay Sahanka qalinjebiyeyaasha in seddaxda kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu badan ay kala yihiin:
1) Public Administration, 2) Business Administration iyo 3) Computer Science/IT, halka seddaxda kulliyadood ee ugu ardeyda yar ay kala yihiin:

1) Dentistry, 2) Pharmacology iyo 3) Statistics and Planning.

Dhinaca magalooyinka, Muqdisho ayaa noqotay halka ugu badan ay ardaydu wax ku barteen, waxaa jaamacadaha Muqdisho ka soo baxday arday gaaraysa 12,753 ardey oo u dhiganta 80.07%, waxaana ku soo xigay magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Baledweyne, Kismaayo iyo Baydhabo.

Dhaka kale waxaa markii labaad Sahanka lagu soo bandhigay tirada ardayda ka soo qalinjebisay Dugsiyada Sare, waxaa sanad-dugsiyeedkii 2018/19, ka soo baxaday dugsiyada sare ardey gaareysa 38,627, iyadoo xogtaana laga soo ururiyay 8 dalladood oo ka hawlgala dalka.

Iftin Foundation oo tan iyo 2012 ka hawlgaleysay arrimaha horumarinta waxbarashada ayaa sidoo kale soo bandhigtay adeegyo kale oo loogu talogalay bahda waxbarashada, sida barnaamijka Naqtiin oo ah mobile app loogu talagalay ardeyda wax ka barata dugsiyada iyo jaamacadaha, Diiwaanka Cinwaannada Waxbarashada, eCheck Somalia oo ah adeeg lagu hubiyo shahaadooyinka dugsiyada iyo jaamacadaha dalka, Joblink oo soo bandhiga shaqooyinka bannaan iyo adeegyo kale.

Sahanka Jaamacadaha 2019