Madaxweynaha Galmudug oo goordhow ka hadlaya dagaalka Guriceel

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa goordhaw ka hadli doona Xaaladda Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac iho xoogaga Ahlusunna.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa cadeyn doona mowqifka Galmudug ee ku aadan dagaalkaas.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda degaannada Galmudug ayaa ku kala qeyb samay dagaalka Guriceel, kuwaas oo qaarkood qaba in dagaal Ahlusunna looga saaro Guriceel halka kuwa qaar ay soo jeediyeen in wada-hadal wax walba lagu dhameeyo.