Waxaa Goor dhow magaaladda Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Ururka Cayaaraha ee Qaaradda Afrika.
Mas’uulkaan oo lagu magacaabo Mr Ahmed Ahmed 57-sanno jir ah ayaa dhawaan loo doortay inuu hoggaamiyo xiriirka kubbadda cagta qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo CAF.
Waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab.
Waxaa lagu waddaa in uu booqdo Xarunta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo sidoo kale qaar ka mid ah garoomada Ciyaaraha.



