Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliyaha Ciidamada xasilinta Garoowe

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa magacaabay Taliyaha Ciidamada Xasilinta Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulkaasi.

Xeer Madaxweyne Lr.171 11 November, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Xasilinta Caasimada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xasilinta caasimada Puntland ee Garoowe.
  2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.