Madaxda Qaranka ayaa ka qeyb galay Xaflad lagu soo xiraayay Kalfadhiga 1aad ee Golaha Aqalka sare .
Xafladdaan ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Aqalka Sare oo ku taalla degmada Shibis.
Waxaa xaflada ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Ra’iisul Wasaare Kheyre, kuxigeenkiisa, Xildhibaanada labada gole iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya.



