Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa la filayaa in ay yimaadaan qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, kuwaasi oo ka qeyb galaya shir ka furmaya Magaalada Muqidsho.
Madaxda maanta Muqdisho imaaneysa ayaa waxa ay kala yihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kan Jubbaland iyo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, horey Muqdisho waxaa u joogay Madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle.
Kulankan, ayaa waxaa la qorsheynayaa in maanta uu ka furmo Magaalada Muqdisho, waxaase macquul ah in uu dib u dhaco illaa Sabtida berrito ah, sida ay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo hogaamin doono shirkani, ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha ammaanka dalka, xoojinta xiriirka dowladda iyo Maamul Goboleedyada iyo shirka bisha soo socoto ka furmaya Magaalada London.



