DHAGEYSO: Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee BF-ka oo la doortay

Muqdisho-RisaalaFM- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka tirsan Gudiyada Joogtada ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyadooda.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudey) iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo saddex guddi iyo ku xigeenadooda.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabiiciga, Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka, Xildhibaan Malaaq Dhaayow waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, sidoo kale waxaa la doortay Saddex Guddoomiye ku xigeen oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay ee Saddexdaasi Guddi.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo loo doortay Guddoomiyaha Gudddiga Xuquuqul insaanka iyo Arrimaha Haweenka ee Baarlamaanka ayaa sheegtay in kulankii maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa lagu doortay Saddex Guddi, iyadoo Doorashada ay ku tartamayeen Xildhibaanno dhowr ah.

Guddiyada joogtada ee Baarlamaanka ayaa waxa ay shaqadoodu tahay in ay la shaqeeyaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda oo ay shaqo wadaaga yihiin, iyo sidoo kale in ay la xisaabtamaan Hay’adahaasi.