Madasha Xisbiyadda Qaran oo Cambaareysay howlaha xukuumada xil gaarsiinta ah

War Saxaafadeed kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaran ayaa eedeyn culus loogu jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in howlihii dalka oo dhan ay kusoo aruureen gacanta Madaxweyne Farmaajo.

Madasha xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalku ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii talisnimo.

Waxa ay ugu baaqday Bulshada Soomaaliyeed in laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa dalka oo ay sheegeen in hadda uu ku sugan yahay xaalad halis ah.