Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Mataalada gobolka Banaadir

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la yeeshay Gudiga Joogtada ah ee Aqalka Sare .

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay arimaha doorashooyinka ,marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo , iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan wax yaabihii golaha uqabsoomay mudadii ay xilka haayeen .

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxyaabihii uu ka hadlay ka mid ahaa Maqaamka gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in 13 xubnood ee Aqalka Sare la meelmarin doono.

“Waxaan rabaa inaan is dul taago arinta Gobalka Banaadir, Mudane Guddoomiye waxaan rabaa Aqalka Sare muddo xileedkiisa 2aad in uu metelaad ku yeesho Gobalka Banaadir, waa magaalo ama bulsho duruuf waliba oo dowlad leedahay si gaar ah ugu dhacdo, waan ku kalsoonahay inaad dadaalkiina ku biirin doontaan, Madaxweynuhuna dadaal iska saari doono, intaas ayaan usoo gudbinayaa golahaan”

Aqalka Sare ayaa khilaaf xooggan kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo oo ay horay ugu eedeeyeen in uu baalmaray Sharciga.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa horay Khudbado ugu jeediyeen Aqalka Sare.