Macalinkii bartilmaameedka u ahaa Chelsea Laurent Blanc oo Heshiis cusub saxiixay.

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Laurent Blanc ayaa qalinka ku duugay qandaraas laba sanno ah, waxaa uu lasii joogi doonaa kooxda heysata horyaalka Faransiiska.
PSG ayaa ku dhawaaqaday warkaan maanta, Blanc – ayaa ah Tababaraha kooxda ugu koobabka badan – waxa uu sii joogi doonaa caasimadda ilaa June 2018.

Waxaa lagu Abaal mariyay Blanc, i nuu ku hogaamiyay kooxda PSG hore iyo gadaalba Horyaalka Ligue 1 kadib markii uu shaqada qabtay 2013.

Sidoo kale Blanc ayaa ku guuleystay Coupe de France (2015), Coupes de la Ligue (2014, 2015) Trophees des Champions (2013, 2014, 2015) kasoo ah koobka lagu weyneeyo Parc des Princes.

Macalinkan 50-sano jirka ah ayaa sanad kale u muuqda inuu kula guleysan doono PSG Horyalka,waxaa uu ku hogaaminayaa 24 dhibcood Ligue 1 ka dib markii 25 kulan oo la ciyaaray.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo kooxda ” Blanc ayaa u sheegay website-ka kooxdiisa.

“Tan iyo bilowgii, waxaan dareemay sharaf iyo wada shaqeeyn kooxda oo dhan ah,halkaan waxa yaala hami badan ayuu yiri.
“Waxaan rajeynayaa inaan sii wadi doono Paris Saint-Germain ,ilaa inta aan kujiro kubadda cagta ayuu hadalkiisa raaciyay.

PSG ayaa kujirta xilli ciyaareed kale oo wanaagsan ka dib markii horumarin badan xalay ay ka sameysay Coupe de France quarter-finals.

Kooxda ka dhisan caasimada ayaa sidoo kale qarka u saaran April inay ku guuleystaan Coupe de la Ligue oo ay finalkiisa wajahayaan kooxda Lille, halka Chelsea wareega16- Champions League ay ku wajahayaan todobaadka soooscda.

Guddoomiyaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa yiri: “Waxaan aad ugu faraxsanahay in Laurent Blanc uu sii joogo halkaan.