MAQAAL: Morinho V Guardiola, Yaa noqon kara Boqorka Magaalada Manchester

Jose Mourinho waa nin kaamil ah” kasoo caawin kara Manchester United oo tartan kula jirta kooxda ay xafiltamaan ee Manchester City oo kensaneysa Pep Guardiola xilli ciyaareedka soo socda,

weeraryahankii hore ee Porto Benni McCarthy ayaa aminsna in tabaraha shaqada la,aanta ah ee Jose Mourinho uu yahay dooqa kaliya ee Manchester United ay isaga dhicin kara xifiltanka kaga imaanaya kooxda Manchester City.
BBC ayaa ogaatay in tababarihii hore ee Chelsea Mourinho, oo 53 jir ah, laga yaabo inuu bedelo tababare Louis van Gaal xagaaga soo aadan.
McCarthy, oo 38 jir ah, ayaa ka hoos ciyaaray Mourinho inta lagu jiray waqtigisii Horyaalka Portugal ee Porto.
“Mourinho waa mid ka mid ah dadka aan ogyahay inay fahmi karaan ilaa haatan xeeladaha Guardiola ” ayuu u sheegay BBC Sport.
“Markii uu joogay Real Madrid, Inter Milan, waxa uu ahaa macalinka ka sameeyay rikooro guulo kooxahaasi ayuu yiri.

“Xilligan la joogo, qof kale ee la tartami kara Pep iyo Manchester City waa Mourinho ayuu yiri.

” Mourinho waxa uuu xiriir wanagsna la sameeyaa ciyaartoyda iyo taageerayaasha markastaa ¬†tasoo uu ku garacai karo Guardiola.”

Tababarihii hore ee Barcelona Guardiola oo haatan macalin u ah Bayern Munich, ayaa shaqada ka bdeli dooa Manuel Pellegrini xagaaga soo aadan.

Mourinho ayaa markiisii labaad kooxda Chelsea laga ceyriyay bishii December, markii laga badiyay sagaal ka mid ah 16-kii kulan ee ugu horeyay xilli ciyaareedkan horyaalka.

kaliya toddoba bilood ka dib markii uu ku guuleystay horyaalka Premier League ayaana la ceyriyay macalinka Portugal.

Laakiin McCarthy, oo kula guuleystay horyaalka Portuguese iyo sidoo kale Champions League FC Porto, ayaa sheegay in talooyinka lagula dhaqmay tababarihiisii hore ay ahaayeen kuwo cadaalad daro ah”.

Xiddigii hore ee South Afrika ayaa hadalkiisa raaciyay: “Meel kasta oo uu tagaa Mourinho waa uu ku guulaysan karaa.

“Taageerayaasha, warbaahinta, iyo dadka falanqeeya kubadda cagta ayaa qaar kood aaminsna in xaalad lamid ah tii Chelsea uu galin karo Mourinho haddii uu qabto shaqada kooxda Manchester United.