Goolka Manuel Locatelli ayaa ka caawiyay AC Milan in ay ku garaacdo garoonkeeda kooxda Juventus markii ugu horeysay tan iyo bishii November 2012 iyadoo hadda soo yareysay farqigii dhanka dhibcaha ee loo hayay Serie A.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 18-sano jirka ah ayaa si cajiib ah kubad xoogan waxa uu cirifta kore ee shabaqa ka siiyay goolhaye Buffon.
Juve ayaa laga diiday gool markii hore uu ansixiyay garsooraha kaasoo uu dhaliyay Miralem Pjanic, inkastoo calan wadaha uu ku tilmaamay garab dhaaf..
Juventus ayaa xalay cadaadis badan kala kulantay kooxda Milan oo dagaal iyo maskax ciyaareysay labada gelin ee ciyaarta.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee dalka Jarmalka Sami Khedira ayaa waxaa dhowr jeer fursado ka badbaadiyay 17-sano jirka Milan goolka u qabta ee Gianluigi Donnarumma.
Juventus ayaa shantii horyaal ee Serie A ugu dambeeyay qaadeysay waxaana ay ugu cadcadahay markale xili ciyaareedkaan, inkastoo AC Milan cadaadis ay kala kulmeyso.
Vincenzo Montella ayaa kusoo saaray Milan ciyaartooy da’yar ah kuwasoo ay kamid yihiin Donnarumma, Suso iyo Locatelli.
Macalin Montella ayaa hadda sheegay inuu kalsooni ku qabo kooxdiisa in ay hanan karto Horyaalka Serie A.


