Kabtanka Barcelona Andres Iniesta ayaa ka maqnaan doona garoomada muddo lix ilaa sideed isbuuc ah ka dib markii uu ka dhaawacmay jilibka kulankii ay kooxdiisa kaga badisay Valencia.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa waxay isku dhaceen Enzo Perez daqiiqadii 14 aad kulankii kooxdiisa 3-2 kaga badiyeen Valencia.
Waxa uu seegi doonaa inta ka dhiman kulamada heerka group-yada Champions League kooxdiisa ciyaareyso.
Barca ayaa waqti dambe goolka guusha waxaa rigoore ugu dhaliyay Lionel Messi, waxa uu ahaa goolkiisii labaad ee ciyaarta.
Luis Enrique ayaa walaac ka muujiyay dhaawaca Iniesta waxaana hore kaga maqnaa kooxdiisa Gerard Pique iyo Jordi Alba.


