Macalin Zidane oo amaan huwiyay xidigiisa James Rodriguez

Macalinka kooxda Real Madrid Zinadine Zidane ayaa amaan huwiyay xidigiisa reer Colombia ee James Rodriguez isagoona ku tilmaamay mid muhiim u ah shaxdiisa.

James Rodriguez ayaa keydka kasoo kacay kulan ay kooxdiisu 3:1 kaga adkaatay kooxda Osasuna qeybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 57-aad sabtidii.

Xidiga reer Colombia ayaa si xoagan loo hadal hayay inuu kooxda ka tagayo suuqii January ee ina dhaafay kaliya 4 kulan ayuu kusoo bilowday xilli ciyaareedkan.

Macalin Zidane ayaana xidiga ku amaanay bandhigiisii kulanka kadib markii uu bedel unoqday ciyaar yahan Danilo oo dhaawac looga saaray garoonka daqiiqadii 57-aad ee qeybtii dambe.