Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Macalin Zidane oo amaan huwiyay xidigiisa James Rodriguez

Macalinka kooxda Real Madrid Zinadine Zidane ayaa amaan huwiyay xidigiisa reer Colombia ee James Rodriguez isagoona ku tilmaamay mid muhiim u ah shaxdiisa.

James Rodriguez ayaa keydka kasoo kacay kulan ay kooxdiisu 3:1 kaga adkaatay kooxda Osasuna qeybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 57-aad sabtidii.

Xidiga reer Colombia ayaa si xoagan loo hadal hayay inuu kooxda ka tagayo suuqii January ee ina dhaafay kaliya 4 kulan ayuu kusoo bilowday xilli ciyaareedkan.

Macalin Zidane ayaana xidiga ku amaanay bandhigiisii kulanka kadib markii uu bedel unoqday ciyaar yahan Danilo oo dhaawac looga saaray garoonka daqiiqadii 57-aad ee qeybtii dambe.

Exit mobile version