Maanta oo kale 1 October 2003 ama 15-sano ka hor ayuu Cristiano Ronaldo kasoo muuqday kulankiisii ugu horeeyay UEFA Champions League heer guruub ah.
Cristiano Ronaldo ayaa kasoo muuqday Champion-ka heerkiisa isreeb reebka 2002/03 markii Sporting CP 0-0 la gashay naadiga Inter Milan weliba cayaarta oo socoto 58-daqiiqo ayuu soo galay.
Balse tababare Sir Alex Ferguson ayaa Ronaldo oo 18-sano iyo 238-maalmood jiro kulankiisa ugu horeeyay Champion heerka guruubyada ah cayaarsiiyay kulankaan wuxuu cayaaray 90-daqiiqo ayadoo Man United 2-1 guuldaro kala kulantay naadiga VFB Stuttgart ee uu xiligaas macalin u ahaa Felix Magath.
Habeenkaas Ronaldo shaqada uu qabtay waxay ahayd in rigoore ama qalad uu ku galay goolhaye Timo Hildebrand waxaana rigooradii gool u badalay Ruud van Nistelrooy.
Sidoo kale isla habeenkaas waxaa kulankiisa ugu horeeyay Champion-ka heerka Guruubyada cayaaray 18-jir kale oo naadiga Stuttgart amaah kula joogay waana Philipp Lahm oo Bayern Munich milkiyadiisa laheyd!
Shaxdii Man United Kala Hortagtay Naadiga Stuttgard Habeenkii Kowaad Ronaldo (Sawirka Sare Waa Shaxdii Kowaad United Habeenkaas)
Safka Gadaale: Ruud van Nistelrooy, Cristiano Ronaldo, John O’Shea, Rio Ferdinand, Roy Keane, Tim Howard
Safka Hore: Mikaël Silvestre, Phil Neville, Paul Scholes, Gary Neville, Ryan Giggs.



