Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Gobolkaas ka bilaabay qorsho ah sidii ay u xiri lahayeen fatahaada wabiga Shabelle ee laga cabsi qabo inuu ku fataho Degmooyinka iyo deegaanada saaran wabiga.
Maamulka ayaa 8.000 oo jawaano lagu shubayo caro si biyaha loogu celiyo gaarsiiyay Janaaalle iyo Awdheegle oo ah goobaha cabsida fatahaada ay ka jirto si looga hortago.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali najax ayaa Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada faray inay awoododa iskugu geeyaan sidii loo xakameyn lahaa fatahaada.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Guddoomiyaha in Maamulka sare ee Gobolka ka go’an tahay sidoo ay u qaadan lahaayeen kaalintooda kaga aadan badbaadinta Shacabka.



