Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada Saddex kamid ah Golaha Shacabka

Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa shaaciyay qabashada Saddex kursi oo kamid ah kuraasta Gollaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay Maamulka Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#182 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, HOP#170 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in 27-ka Bishaan oo Beri ku beegan la qabanayo doorashada Saddexda kursi, iyaga oo horay u shaaciyay in la qabanayo doorashada 11 kursi.

Maamulka Koonfur Galbeed oo noqonaya Maamulka labaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka imaaneysa cabasho xoogan, iyada oo loo diiday in uu tartamo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.