Maamulka Jubbaland oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday gurmad deg deg ah

Boqolaal Qoys ayaa ka barakacay roob daadad watay iyo fatahaado ka dhacay degaano iyo degmooyin katirsan dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadkii kunoolaa halkaas.

Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud ( Lugadheere) ayaa sharaxaad ka bixiyay degaannada iyo degmooyinka ugu daran ee uu saameeyeen Roobka daadadka watay iyo fatahaadaha, isaga oo dowladda Soomaaliya iyo  Hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland