Maamulka Hir-Shabeelle oo War kasoo saarey Dhagixii muranka dhaliyey

Wasaaradda Batroolka Macdanta iyo Biyaha ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa faah faahin ka bixisey sida Muqdisho lagu keenay dhagax la sheegay in uu qaali yahay kaas oo muran badan dhaliyey.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dhagaxaas oo laga helay deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan uu fashilmay qorsho ay abaabuleen dad ku sugnaa Beledweyne,kaas oo lagu soo qaadi lahaa dhagaxaas.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in dhagaxaas marxaladiii uu soo maray ay si dhow ula socdeen,Isla markaana dad ka tegay Muqdisho ay soo qaadeen,iyaga oo maray deegaano ay Maamulaan Al-Shabaab.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Batroolka Macdanta iyo Biyaha.