Duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe & Dowladda oo ka hadashay

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in sarkaal u shaqaynayey lagu dilay duqayn maanta ka dhacday meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe Dhexe.

Cadnana Xaaji Cali oo ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa sheegay in duqayntaas uu ku dhintay Maxamuud Xaaji Salaad oo ahaa maamulihii shyirkadda ee magaalada Jilib.

Cadnaan Xaaji Cali ayaa VOA u sheegay in ninkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn urur ama koox, waxaana uu sheegay inuu ahaa nin rayid ah oo shirkadda u shaqaynayey tan iyo intii la aasaasay.

Maxamuud Xaaji Salaad ayaa la sheegay inuu ku sugnaa beertiisa markii duqayntu dhacday, sida uu VOA u sheegay Cadnaan Xaaji Cali.

Dhinaca kale  Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in Galabta 24-ka Feberaayo 2020, ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa ciidanka Mareykanka ee AFRICOM duqeyn cirka ah ku qaadeen fariisimo  Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Weerarkaan oo habeysnaa ayaa lagu dilay mid ka mid ah Xubnaha dagaalamayaasha  Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa taxadar dheeri ah ka muujiyay in la ilaaliyo waxyeelo soo gaarta shacabka inta lagu jiro la dagaalanka Al-Shabaab, iyada oo si buuxda loo baarayo eed walba oo soo baxda. Ilaa hadda ma jirto cid shacab ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.

Duqeyntaan ayaa ah mid garab lagu siinayo dadaalada ay waddo DFS ee ay uga takhalusayso gabood-fallada waxa loogu hero argagixisada isla markaana loo-gogolxaarayo mustaqbal wanaagsan oo ay hesho bulshada Soomaaliyeed

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xoogga Dalka, Danab iyo jaalkooda Dowladda Mareyka ayay ka go’antahay la dagaalanka Alshabaab iyada oo aan loo aabayeelayn lab iyo dheddig, si loo baajiyo dhimashada dadka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruurta ku nool Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Dowladda.

Dadaalada aan wadno ee aan ku badbaadinayno shacabka ayaa aad uga duwan weerarrada aan loo meel dayin ee Alshaab ku qaadaan goobaha shacabka ku badanyahay ee Soomaaliya ayaa la sii raaciyey.

Todobaadkaan gudihiis waa duweyntii Afaraad oo Mareykanka uu ka fuliyo Gobolka Jubbbada Dhexe,isaga oo kaashanaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya,taas oo lala beegsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab.