Maamulka Gobolka Banaadir oo kormeeray Ciidamada howlgallada wada

Kusimaha Duqa Caasimadda Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane. Axmed Xasan Iimaan, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi iyo Taliye Kuxigeenka Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay Degmooyinka dhaca dhanka Galbeed ee Gobolka Banaadir Kaxda, Dharkeenley iyo Wadajir.

Kormeerka Kusimaha Duqa ayaa ujeedkiisu ahaa si ay ugu kuur-galaan xaaladaha Amniga iyo Dhaqan-gelinta Qorshaha lagu dar-dar gelinayo sugida Amniga Caasimadda Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga ayaa wadooyinka waa-weyn ee Magaalada Muqdisho ku booqday Ciidamada Booliska oo garab ka helaya Maamulada Degmooyinka kuwaasi oo si wada jir ah u waday howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga Caasimadda.

Ugu dambayntii, Kusimaha Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Kormeerada lagu tagayo Degmooyinka Magaalada Muqdisho si loo dhiiri geliyo ciidamada Amaanka iyo shacabka Isla’markaana looga wada shaqeeyo sugida Amniga Caasimadda.