Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal Lukas Podolski ayaa gabi ahaanba ka dhawaajiyey inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga, waxaana uu kamid ahaa xidigihii Germany la qaadeen koobkii aduunka ee 2014.
Xidigaan ayaa waxaa uu ka weeyb ahaan waayey xidigihii Germany e kulamadii ugu dambeeysey balse ciyaaryahanka ayaa wacdaro ka sameeyey tartankii 2010 ee xulkiisa Germany iyo Euro 2012.
Tan iyo markii uu isaga dhaqaajiyey kooxda Gunners xidigaan ayaa waxaa uu soo bandhigay qaab ciyaareed u suura gelin waayey kasii mid ahaanshaha qarankiisa Germany .
Lukas Podolski ayaa hada kamid ah kooxda reer Turkish ee Galatasaray balse waxaa lagu xamanayey inuu kusoo laabankaro Primer League.
31-sano jirkaan ayaa waxaa uu sidoo kale qeeyb ka ahaa safkii uu Law usoo xulan jiray weerarka isagoo kulankiisa ugu dambeeyey ee uu matalay Germany ay guuldaro kala kulmeen Slovakia.
Balse Podolski ayaa waxaa uu aanta bartiisa Twitter-ka ku muujiyey inuu gabi ahaanba isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ag.
”Ka hor xilli ciyaareedka iyo inta aan sida dhaqsiyaha badan ku bilaaban ciyaaraha waxaana doorbiday inaan soo gaba gabeeyo waayeheeyga xulka , waxaana idiin sheegayaa inaan ka fariistay ciyaaraha caalamiga.


