Alexis Sanchez Oo Inter Milan Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaya

Inter Milan ayaa raadineysa inay la soo wareegto xiddiga Arsenal Alexis Sanchez la iyadoo isku diyaarineysa dalab ku kacaya £ 69million, sida ay sheegayaan wararka.

mustaqbalka Sanchez ee garoonka Emirates ayaa shaki uu kujiraa, waxaana ugu harsan laba sano qandaraaskiisa, iyadoo xiddiga reer Chile weli uusan heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa.

Arsene Wenger ayaa sheegay in aysan jirin sabab walaac ah noo uu ka qabo bixtaanka magacyada waaweyn ee kooxda,inkastoo Mesut Ozil iyo Sanchez diidan yihiin heshiis cusub.

Laakiin kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa hore isugu dayday in ay nasiibkeeda ku tijaabiso Alexis Sanchez ka dib markii Alvaro Moratauu ka tagay kooxdan,

kooxda Serie A ay ku xafiiltamaan ee Inter ayaase markeeda diyaar u ah in ay isku ditaajiso saxiixa Alexis Sanchez .

Tababaraha cusub ee kooxda Frank de Boer ayaa u sheegay madaxda kooxda in uu doonayo lacagta ugu badan in loogu soo iibiyo xiddigaha uu dalbado.

Milkilayaasha reer Chine ayaana hadda loo arkaa in ay diyaar u yihiin Sanchez in ay usoo dhaqaajiyaan garoonka San Siro.

Tababarihii hore ee Ajax ayaa laga yabaa inuu waayo weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi kasoo bartilmaameed sare u ah kooxda Arsenal.