Lukaku oo aan rabin inuu Goodison Park sii joogo

Weeraryahanka kooxda Everton iyo xulka Belgium Romelu Lukaku ayaa diiday heshiiskii ugu lacagta badnaa oo kooxdiisa everton ay abid cayaartoy u gaarto.

Kooxda ayaa sheegaysa inay ku kalsoon tahay in Lukaku uu ogolaan doono heshiiskaas oo shan sano soconaya, todobaad kastana uu cayaartoygaas qaadan doono 140,000 oo Gini.

Laakin Lukaku ayaa u sheegay kooxda inuusan danaynayn heshiiskaas, waxaana la sheegayaa inuu doonayo inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Chelsea oo 28 Malyan oo Gini ay Everton uga soo gadatay 2014