Taliyaha ciidammada badda ee dalka Maraykanka ayaa wacad ku maray in lala xisaabtami doono askarta internet-ka soo dhigay sawirrada qaawanida ah ee laga qaaday gabdhaha askarta ah.
Jeneraal Robert Neller ayaa balan qaaday in uu wax ka badali doono dhaqanka ciidammada badda, wuxuuna hadalkaas u sheegay gudi ka socda aqalka Senetka ee dalka Maraykanka.
Todobaadkii hore ayay soo baxday in askar hore iyo kuwo hadda ka tirsan ciidammada badda ee Maraykanka in ay Facebook iskula wadaagayeen sawirro cawro ah, taas oo horseeday in ay ciidammada baddu ay baaritaan billaabaan.
Laakiin xubnaha dumarka ah ee ku jira guddiga Sanetka ayaa si kulul uga jawaabay balanqaadka Neller.



