Luiz muxuu ahaa dagaalkii uu la galay Lampard & Chelsea?

David Luiz ayaa xaqiijiyay inuu wadahadalo la yeeshay Frank Lampard ka hor inta uusan go’aansanin inuu ku biiro Arsenal xagaagan.

Daafaca dhexe ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqay maalmihii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga xagaaga kooxda Gunners, iyadoo la sheegayay inay isku dhaceen macalinka cusub ee Chelsea.

Lampard, oo ka garab ciyaaray Luiz ayaa dafiray wararka isku dhaca ah ee isaga iyo ciyaaryahanka reer Brazil, laaakiin hada daaafacaa ayaa aamusnanata ka baxay.

Wuxuu yiri wada hadaladii u danbeyay ee aan la yeeshay tababaraha Chelsea waxaan kala hadlay mustaqbalka aan ku yeelan karo kooxda.

Luiz ayaa u sheegay ESPN Brasil ka dib markii uu kulankiisii ugu horeyay u saftay Arsenal ciyaartii Burnley.

“Waa tartan ku cusub mustaqbalkeyga ciyaareed, waxaan go,aan ku qaatay inaan u dagaallamo waxyaabo cusub si aan ugu riyaaqo sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah.

“Wadahadaladii aan la yeeshay Frank Lampard, wuxuu iigu cadeeyay inaan kujirin qorshihiisa koowaad.

Sidaasi darteed waxaan fursad u helay inaan dalab ka helo Arsenal oo ah koox weyn. ”ayuu yiri daafacaan.

Luiz ayaa wacdaro ka dhigay kulankiisii ugu horeyay, isagoo ciyaaray 90 daqiiqo markaasoo kooxdiisa 2-1 kaga badiyeen Clarets kulan ka dhacay Emirates.

Kadib markii Ashley Barnes kansalay goolkii furitaanka ee Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay qeybtii labaad golka guusha Arsenal 100% ay ku bilaabatay xili ciyaareedka cusub ee Premier League.

Mid ka mid ah saxiixyadii Arsenal ee soo qaadatay xagaagan Dani Ceballos ayaa door muuqda ka ciyaaray guushaas, isagoo abaalmarintan ku muteystay xiddigii ugu fiicnaa garoonka.

Tababaraha kooxda Arsenal Unai Emery ayaa ku farxay soo bandhigida ciyaartoydiisa xagaagan, isagoo amaanay Ceballos iyo Luiz ciyaarta ka dib.

Haa, aad ayay u fiicanaayeen. Kulankoodii ugu horreeyay”ayuu Emery yiri.

Pepe waa fiicanyahay, Dani waa wanaagsan yahay, David Luiz wuu fiicanyahay, iyo ciyaartoy kaleba. “Waxaana u maleynayaa inay sii wadi doono gooldhalinta Laca iyo Aubameyang.

Waxa kaliya ee aanan sameynin waxay aheyd inaan ilaalino shabaqeena, laakiin waan ilaalin doonaa kulamada kale ee soo aadan. ”