Loolan xooggan oo loogu jiro kuraasta Golaha Wasiirrada cusub ee Galmudug

Loolanka loogu jiro xubnaha Golaha Wasiirrada cusub ee maamulka Galmudug ayaa si weyn uga socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka, iyadoo siyaasiyiin iyo shaqsiyaad xiriir dhow la leh Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ka mid noqdaan xukuumadda cusub.

Siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka ku jira loolankan ayaa la sheegay inay kulammo iyo xiriirro siyaasadeed la leeyihiin Madaxweynaha Galmudug, iyagoo isku dayaya inay helaan kalsoonidiisa iyo fursad ay kaga mid noqdaan Golaha Wasiirrada la filayo in la dhiso.

Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, oo dhowaan ku guuleystay xilka hoggaaminta maamulka, ayaa wajahaya marxalad muhiim ah oo la xiriirta dhismaha xukuumaddiisa, taas oo noqon doonta tiirka fulinta siyaasaddiisa iyo qorshayaasha maamulka muddada soo socota.

Dhuusamareeb waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo kala duwan, iyadoo xubnaha doonaya xilalka wasiirrada ay dadaal ugu jiraan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen xukuumadda cusub.

Waxaa sidoo kale isha lagu hayaa qaabka uu Madaxweynaha Galmudug u maareyn doono loolanka siyaasadeed iyo sida uu u waafajin doono xulashada Golaha Wasiirrada, iyadoo laga sugayo inuu soo magacaabo xubnaha la shaqeyn doona maamulkiisa.