Lix ka mid ah Kooxda Daacish oo toogasho lagu dilay

Booliska dalka Masar ayaa sheegay in ay dileen lix ruux oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, kaddib iska horimaad dhexmaray malleeshiyadani iyo cidamada booliska.

Iska horimaadka ayaa yimid ka gadaal markii ay ciidamada amaanka weerareen guri ay ku dhuumaaleysanayeen ragaani oo ku yaala magaalada koofureed ee Dairut.

Dhamaan lixdi ruux ee joogay guriga la weeraray ayaa la dilay.

War qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ku daabacday bogga ay ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in guriga ay ciidanka beegasadeen uu ahaa goob ay Daacish kasoo abaabuli jireen weerarada argagixiso.

Boolisku waxay sheegeen in ay goobta ka heleen, bambooyin, shan qori iyo rasaas.