Liverpool Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqday Xiddigii Xilli Ciyaareedkan U Soo Baxay Arsenal

Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday soo xerogelinta da’ yarka kooxda Arsenal Bukayo Saka kaasoo hakad geliyay wadahadalkii qandaraas kordhinta ee Gunners.

Xiddiga Arsenal ayaa soo jiitay kooxo badan oo waa weyn ka dib markii uu wacdarro ka dhigay booska daafaca bidix intii ay maqnaayeen Saed Kolasinac iyo Kieran Tierney.

Shabakada Football Insider ayaa sheegeysa in qaab ciyaareedka Saka uu soo jiitay kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ee Liverpool.

Reds ayaa dooneysa inay soo xerogeliso xiddigaan ku ciyaara cagta bidix kaasoo ka dheeli kara booska daafaca bidix iyo weliba garabka weerar ee bidix isagoo galaya sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Arsenal.

Laakiin tababare Mikel Arteta ayaa si weyn u doonaya inuu ceshto xiddiga u soo baxay Arsenal isagoo u soo bandhigay ciyaaryahanka qandaraas cusub oo shan sannadood ah.

18 jirkaan ayaa masraxa soo koray xilli ciyaareedkan isagoo saftay 29 kulan tartamada oo dhan, wuxuuna caawiye ka noqday sagaal gool.

Xiddiga Ingariiska ayaa durbadiiba soo jiitay taageerayaasha, wuxuuna muteystay in lagu soo bilaabo 12ka oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkan.