Liverpool oo Si Fudud Ku dhaaftay Burnley

Kulankii ugu xiisaha badnaa ee lawada sugayay ayaa dhex maray kooxaha Arsenal iyo Manchester, xilli ay labada kooxood isku garba dhaceen.

Arsenal oo goolka ku horraysay ayaa waxaa daqiiqadxii 26-aad u saxiixay daafceeda S.Mustafi, kahor inta aysan United goolka bar baraha kahelin Anthony Martial kaas oo daqiiqaddii 30-aad shabaqa gaaray, ciyaarta ayaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-1.

Markii la isku soo laabtana waxaa markale hogaanka qabtay Gunners, kadib gool daqiiqaddii 68-aad shabaqiisa ku lexiyay Marcos Rojo oo United daafaca kaga ciyaara.

Balse Red Devils ayaysan waqti badan ku qaadan in ay markale soo Laabato waxaana daqiiqaddi 69-aad gool u keenay xidideega weerarka kaga ciyaara ee Jesse Lindgard.

Kulankii xiisaha badnaa ayaana kusoo idlaaday bar baro 2-2 oo ay labada kooxood isku garba dhaceen.

Halka kulanka kale ee xiisaha badnaa u dhex maray kooxaha Chelsea iyo Wolves markaas oo Chelsea lagu garaacay 2-1.

Blues oo goolka ku horraysay ayaa waxaa daqiiqaddi 18-aad hogaanka u dhiibay xidigeeda R.Loftus cheek kadib caawin uu ka helay Eden Hazard.

Balse wixii intaas ka damnbeeyay kooxda tababare Sarri ayaa gashay xaald qaraw ah, Wolves ayaana goolka bar baraha heshay daqiiqaddii 59-aad kadib gool uu u saxiixay R.Jimenez, kahor inta uusan Diego Jota 2-1 ciyaarta ka dhigin daqiiqaddii 63-aad.

Kulanka ayaana daqiiqadihii loogu talagalay lagu kala baxay 2-1 oo ay guul lama filaan ah ku qaadatay Wolves.

Dhanka kale Liverpool ayaa 3-1 kaga tallaabsatay Bunrley kulan ay xidigo sare ka ahayeen, Roberto Firmino iyo James Milner.

Burnley oo goolka ku horraysay ayaa hogaanka qabatay daqiiqaddii 54-aad markaas oo uu shabaqa gaaray J.Cork.

Balse kooxda tababare Klopp ayaa seddex gool latimid isla qaybtii danbe ee ciyaarta markaas oo daqiiqadihii 62-aad, 69-aad iyo 90-aad ay si isku xigta ay shabaqa u gaareen xidigaha J.Milner, R.Firmino, iyo X.Shaqiri.

Liverpool ayaana waqtigii loogu talagalay ciyaarta guul ku gaartay 3-1.

Ugu danabyn Tottenham hotspur aya dhankeeda 3-1 kaga tallaabsatay Southampton.