Kooxda Liverpool ayaa diyaar u noqon doonto maal maha suuqa Yurub ka harsan inay iska iibiyaan xidigooda khadka dhexe kaga cayaaro Emre Can.
Madaama Can diidan yahay heshiis cusub inuu saxiixo sidoo kalena qandaraaskiisa 12-bilood ka yar harsan yahay Reds waxay ku qasban tahay inay maal maha nagu soo fool leh xidigaan halkii uu xagaaga dambe si bilaash ah kaga tagi lahaa.
Joornaalistaha Talyaaniga ah Claudio Raimondi ayaa sheegay in Liverpool hormar wacan ka sameeneyso qaabkii ay Matteo Kovacic kaga soo qaadan lahaayeen Real Madrid.
Hadii Reds gacanta kusoo dhigto Kovacic waxay diyaar u noqon doontaa inay Juventus ka iibiso Emre Can.
Kooxda Juve ayaa xidigaan horey heshiis ula gaartay balse Liverpool ayaa ka hor istaagtay inay iibsato.
Laakiin hada macalin Klopp wuxuu diyaar u noqon doonaa Can inuu Juve ka iibiyo waa hadii uu Kovacic gacanta kusoo dhigo maal maha suuqa Yurub ka harsan.



