Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in Manchester City ay ka heli doonan £ 300,000 kadib markii horumarka ay ka sameeyeen Champions League oo ay gaareen semi-finalkiisa.
Heshiiska uu Raheem Sterling ugu biiray kooxda garoonka Etihad Stadium July waxaa ku cad in Liverpool ay leedahay lacag dhan 300,000 haddii xiddgan kooxda uu la gaaro meelaha ugu dambeya Champions League.
Sterling, oo 21 jir ah, waxaa Liverpool looga iibsaday £ 44m iyadoo shan kale oo dheeri ah ay ku xirneyd guulaha uu ka sameeyo Manchester City inta uu joogo.
” City haddii ay ku guuleysataan koobkaaan Champions League Liverpool aya heli doonta lacag intaa ka badan sida uu qoray Chris Bascombe oo katirsan Daily Telegraph.


