Liverpool Oo 4 Kulan Oo Xoogan Ah Ku Ciyaari Doonta 11 Maalmood

Jamaahiirta Liverpool ayay suurogal tahay inay haatanba ku riyoonayaan xilli ciyaareedkani inuu u noqon doono mid qurxoon kaddib qaabka wanaagsan ee ay kooxdoodu muujinayso ilaa haatan.

Reds ayaa figta ugu sarreysa ee miiska kala sarreynta Premier League fadhiya iyagoo siddeed dhibcood dib u eegaya kooxda ugu soo dhaw ee Manchester City kaddib siddeedii kulan ee u horreeyay oo ay guulo 100% ah kusoo raaxaysteen.

Kulanka ugu muhiimsan ee ugu soo horreeya ee ay dagaalka aan waxba la iskula hadhayn gali doonaan ayaa ah midka ay Manchester City Anfield ku qaabilayaan 10-ka bisha dambe balse waxa kasoo horreeya kulamo kale oo xoogan.

Liverpool ayaa kaliya mudo 11 maalmood gudahood ah ciyaaraysa afar kulan oo lagu sifayn karo kuwo sii qaabayn doona ibo furka xilli ciyaareedkooda iyo sida ay u ekaan karaan inta xilli ciyaareedka ka hadhay.

Aan ku bilawnee Reds ayaa Axada kulanka koowaad ee afartaas kulan booqanaysa Man United ciyaarta ugu weyn taariikhda kubadda cagta England iyaga oo raadinaya inay guushoodii labaad mudo sagaal sano ah ku gaadhaan Old Trafford.

Kulanka labaad ayaa ah midka UEFA Champions League, Liverpool ayaa kaddib ciyaarta United ku jihaysan doonta Belgium oo ay Genk kula soo ciyaarayaan kulan CL ah, Guul ay kulankaas soo gaadhaan ayay rajo weyn oo wareega 16-ka ah ku heli doonaan kaddib hal guul iyo hal guuldarro oo ay labada kulan ee hore soo arkeen.