Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Ambassador Cali Siciid Faqi ayaa xaqiijiyey in dhagaysiga dacwaddii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay.
“Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin” ayuu yiri Fiqi
4-ta bisha Noofembar ee soo socota ayaa lagu waday in la dhageysto Dacwadda labadda dal, laakiin dowladda Kenya si cad uga Cudurdaaratay.


