Liverpool iyo Inter oo badiyay & Messi oo dhaliyay seddexleey

Messi ayaa dhaliyay seddexleey kulankii ay Barcelona 4-0 kaga badiyeen kooxda reer Holland ee PSV, halka Liverpool waqtigii dheeriga ah ee lagu daray ciyaarta 3-2 kaga badisay Paris

Inter ayaa dhalisay labo gool xilli dambe, waxaana ay 2-1 ku garaacday kooxda Tottenham

Sidookale kooxaha Atlético, Dortmund iyo Galatasaray ayaa guulo ku bilowday kulamadoodii tartanka Champions League xili ciyaareedkaan.

GROUP A

Monaco 1-2 Atlético Madrid

Samuel Grandsir ayaa u dhaliyay Monaco, iyadoo Diego Costa iyo José María Giménez ay si dhaqso ah laba gool ugu jawaabeen, taasoo keentay inay Atlético Madrid soo hesho guul marti ah.

Brugge 0-1 Dortmund

Ciyaaru waxay u muuqatay inay ku dhammaatay barbaro, laakiin Christian Pulišić oo kasoo kacay kursiga keydka ayaa dhaliyay goolka guusha ee kooxdiisa.

GROUP B

Inter 2-1 Tottenham

Christian Eriksen ayaa u muuqday mid guul ku hogaamin karay kooxdiisa, laakiin Mauro Icardi iyo Matías Vecino ayaa u dhaliyay Inter Milan laba gool daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Barcelona 4-0 PSV

Lionel Messi ayaa dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay xili ciyaareedkaan, isagoo ka caawiyay kooxdiisa guul 4-0 aheyd oo ay ka gaareen PSV.

qeybtii labaad ee ciyaarta daafaca Barcelona Samuel Umtiti ayaa qaatay casaan kadib markii loo taagay jaalihiisii labaad.

GROUP C

Liverpool 3-2 Paris

Liverpool ayaa 2-0 ku hogaamisay Paris, oo ugu dambeyn soo  celisay barbaro markii Thomas Meunier iyo Kylian Mbappé dhaliyeen laba gool.

Liverpool ma aysan niyad jabin, waxaana goolka guusha u dhaliyay Roberto Firmino oo bedel kusoo galay ciyaarta.

Crvena Zvezda 0-0 Napoli

Ciyaartii ugu horeysay wareega group-yada Chanpions League isagoo tababare kooxda Napoli ah Carlo Ancelotti waxay ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.

GROUP D

Schalke 1-1 Porto

Gool Emelo qeybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Schalke ayaa keenay inay barbaro  gurigooda kula galaan kooxda FC Porto ee dalka Portugal.

Galatasaray 3-0 Lokomotiv Moskva

Garry Rodrigues, Eren Derdiyok iyo Selçuk Inan ayaa ugu dambeyntii guul weyn ku hogaamiyay kooxda Galatasaray ee ka dhisan dalka Turky.