Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta Bosteejadda Daallo  ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa halkaasi.

Waxaa uu dilku ka dhacay Bartamaha Wadada gaar ahaan dhanka xigta Baar Ubax, waxaana la dilay nin dhalinyaro ah.

Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

Sidda ay inoo xaqiijiyeen  dadkii goobta ku sugnaa ruuxa la dilay ayaa ka mid ahaa dadka ka shaqeysta Bosteejadda Daallo  ee baabuurta rara.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.