Liiska Ciyaaryahanada ku tartamaya abaalmarinta Xiddiga Sannadka

Lionel Messi, Cristaino Ronaldo iyo Virgil van Dijk ayaa ah seddexda ciyaaryahan ee u tartamaya abaalmarinta Xiddiga Sannadka ee FIFA.

FIFA ayaa ku dhawaaqday 10 ciyaartoy oo u sharaxan abaalmarinta bishii July, ka dib codbixin la sameeyay, ayaa la soo saaray seddexda xididg ee ugu dambeysa eek u tartan doona abaalmarintaan.

Frenkie de Jong, Matthijs de Ligt, Harry Kane, Eden Hazard, Sadio Mane, Kylian Mbappe iyo Mohamed Salah ayaa ah toddobada xiddig kale ee laga soo saaray liiska 10ka ah.

Daafaca Liverpool Van Dijk ayaa ah kan ugu cadcad sida dad badan aaminsan yihiin ka dib markii uu door muhiim ah ka qaatay hanashada Champions League kooxdiisa Reds isagoo sidookale ka caawiyay inay Liverpool dhibci usoo jirsato kooxda ku guuleysatay Premier League ee Manchester City.

Waxaa loo aqoonsaday waxtarkiisa isbuucii hore, markii loo magacaabay UEFA Player of the Year, isagoo ku garaacay Messi iyo Ronaldo abaalmarintaan.

Xiddiga reer Netherlands ayaa sidoo kale dalkiisa ka caawiyay inay gaaraan finalka UEFA National League.

Ronaldo ayaa sidoo kale ku riyaaqay guulo heer kooxeed ah, isagoo ka caawiyay kooxda Juventus inay soo gaarto wareega 8da ee Scudetto, isagoo ku dhameystay gooldhaliyahooda ugu sareeya tartamada oo dhan isagoo saxiixay  28 gool.

Goolashii Messi ayaa ka badan kuwii Ronaldo, inkastoo, xiddiga Barcelona uu dhaliyay 51 gool wadar ahaan, waxaa kujira 36 uu dhaliyay 29 kulan oo La Liga ah, iyadoo Barca ku guuleysatay horyaalka.

Messi ayaa ku guuleystay Kabta Dahabiga ah ee Yurub, iyo kan ugu sareeya gooldhalinta LaLiga, isagoo 13 gool ka sareeyay xiddiga kusoo xigay ee Pablo Sarabia.

Xiddiga ay isku kooxda yihiin Messi ee Marc-Andre ter Stegen ayaa ka mid ah seddexda goolhaye ee ku tartamaya abaalmarinta goolhayaha sannadka, iyadoo goolhayaha City Ederson iyo kan Liverpool Alisson dagaal uu la gali doono.

Waxaa jira dareen gooni ah oo Premier League ah laga dareemayo, kadib markii seddexda tababare ee ugu dambeysa kuwa ku tartamaya abaalmarinta tababaraha ugu fiican ay noqdeen Jurgen Klopp, Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino oo dhamaantood ka shaqeeya horyaalka England.

Ku guuleystayaasha abaalmarinadaan waxaa lagu dhawaaqi doonaa 23ka bishaan Sebtember, Haddaba yaad usadaalin laheyd ciyaaryahanka sannadka FIFFA?

Ronaldo Messi mise Van Dijk?