Javier Hernandez ayaa uga tagay West Ham kuna biiray Sevilla heshiis lagu sheegay € 7.7million ,isagoo noqday saxiixii 12aad ee kooxda reer Spain inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.
Xiddiga reer Mexico Hernandez, oo 31 jir ah, ayaa ka tegay London ka dib laba xilli ciyaareed oo uu la joogay kooxda West Ham, waxaana uu qalinka ugu duugay kooxda ka dhisan LaLiga qandaraas saddex sano ah.
Weeraryahanka ayaa u soo dhaqaaqay Yurub sanadkii 2010 markii uu ka soo tagay kooxda Chivas kuna biiray Manchester United, isagoo noqday mid ay jeclaan jireen taageerayaasha afar sano oo kooxda koowaad kusugnaa ka hor inta uusan amaah ugu biirin Real Madrid ka dibna laga iibin Bayer Leverkusen.
Qaab ciyaareedka Hernandez ee Jarmalka ayaa ku soo celiyay England isagoo ku soo laabtay West Ham, inkastoo uusan helin fursado badan oo dooqa koowaad ah, waxa uu dhaliyay 16 gool 31 kulan oo Premier League uu ku soo bilowday.
Waxa uu noqonayaa saxiixii 12aad ee Sevilla suuqa kala iibsiga oo xirmaya caawa, waxaana la filayaa imaantikiisa inuu meesha ka saaro Munas Dabbur, inkastoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Israel uu ku soo biiray kaliya kooxda Sevill bishii July.



