Leicester oo dalab £ 25m ah ka gudbisay Islam Slimani

Leicester ayaa dalab £ 25m ah oo ay ka gudbiyeen Islam Slimani ay soo diiday kooxdiisa Sporting Lisbon, sida ay ogaatay Sky Sports.

Kooxda reer Portugal ayaa diiday dalab saacadihii hore ee subaxnimadii Talaadada manta ah kaga yimid kooxda England ka dhisan.

Kooxda Sporting Lisbon ayaa doonaysa £ 34m hadii ay fasaxayaan weeraryahanka reer Algeria.

Sky Sports News ayaa fahamsan n xiddiga caalamiga ah uu isagu doonayo in uu u dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka Premier League,

Slimani ayaa u dhaliyay 27 gool kooxda Lisbon xilli ciyaareedkii hore.

West Bromwich Albion ayaa u kuurgalaya xaaladda gooldhaliyahan loo diiday kooxda Leicester ee Islam Slimani

Slimani, oo 28 jir ah, ayaa labo gool u dhaliyay xulka Algeria koobka adduunka 2014, Wuxuu ku biiray Sporting 2013, isagoo usaftay in ka badan 100 kulan.

27-sano jirkaan, kaasoo ku biiray kooxda Wolves kaga biiray Heerenveen 2012, w0061a uu dhaliyay 36 gool 85 kulan oo uu saftay kooxda horyaalka Bundesliga, waxaana uu yahay mid sugi doona ilaa maalinta ugu dambeysa suuqa.