Carlo Ancelotti oo saadaaliyay kooxda ku guuleysan karta Horyaalka La Liga

Macalinkii hore ee kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa waxaa uu ka hadlay horyaalka La Liga , waxaana uu sheegay xilli ciyaareedkaan in kooxda Real Madrid ay soo afjaridoonta abaarta ka heeysata dhanka horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaan ku guuleeysan koobkaan tan iyo xilligii Jose Mourinho ee kooxdaan waxaana Real Madrid ay xilli ciyaareedkaan dooneysa inay bilowdo ololaha ay kusoo afjareeyso taariikhdaas.

Inay qaadidoonta La Liga-hane waxaa saadaaliyey Macalinkooda hore ee hada maamulaya kooxda Bayern Munich.

”Spain, waa wax adag, laakiin waxaan qabaa in waxyaabo badan kadib Real Madrid ku guuleeysandoonto horyaalka,sidoo kale gooldhalinta horyaalkaa waxaa qaadidoona Cristiano Ronaldo,” ayuu Carlo Ancelotti u sheegay Tv-ga.

Real Madrid ayaa sanadihii dambe lumisay guulaha horyaalka Spain waxaana kooxda hada ay dooneysaa inay sii wadato guuleheeda yurub & hamiga ay ka leedahay La Liga.