Lambarka uu kooxda Liverpool u xiran doono Alex Oxlade-Chamberlain oo la sii ogaaday

Waxaa la sii ogaaday lambarka uu kooxda kubadda cagta Liverpool u xiran doono Alex Oxlade-Chamberlain, kaasoo hadda qarka u saaran inuu ku biiro kooxda ka dhisan garoonka Anfield.

Labada kooxood ee Liverpool iyo Arsena ayaa ka heshiiyey saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain, iyadoo Reds ay ku qaadanayso xiddigan adduun dhan 40 milyan oo gini.

Inkastoo Talaadadii ay Chelsea heshiis ku aaddan Chamberlain la gaartay kooxda Arsenal haddana xiddiga ayaa isku diiday inuu u dhaqaaqo garoonka Stamford Bridge, maadaama uusan ka helin booska daafaca ee ay doonayaan inay ka ciyaarsiyaan.

Xiddiga qadka dhexe ee reer England ayaa iminka helay rajadiisa ahayd inuu ku biiro Liverpool, isla markaana kaga ciyaaro booska uu jecel yahay ee khadka dhexe kaddib Gunners oo go’aansatay inay iibiso laacibka maadaama uu diiday inuu saxiixo heshiis cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Chamberlain ayaa lagu wadaa inuu Liverpool u xirto Lambarkii Gerrard ee No. 8, isla markaana qalinka ku duugo heshiis lix sanadood ah.

24-sano jirkaan ayaan heli doonin lambarka uu u xiranayey Gunners ee 15-aad, maadaama uu lambarkaas haatan u xiran yahay Daniel Sturbridge.

Sidoo kale ma heli doono Lambarrada 26-aad iyo 11-aad oo uu soo xirtay xilligii uu la joogi jiray Southampton, waayo labadaba waxaa Liverpool u kala xirta xiddigaheeda cusub ee Robertson iyo Mohamed Salah.

Chamberlain ayaa kooxda ka dhisan garoonka Anfield u xiran kara Lambarka 8-aad kaa oo ah Lambar uu u xiran jiray xiddigaha 21-jirada Arsenal, isla markaana uu iminka u xirto xulka England, iyadoo ay xusid mudan tahay in lambarkaas aan la xiran tan iyo sidii uu isaga siibay Kabtankii kooxda Liverpool ee Steven Gerrard.