DHAGEYSO: Dadkii lagu laayay Bariire oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu aasay 10-kii qof ee Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah howlgal ay ka fuliyeen beerku taalla Bariire ku dileen, kaasi oo dhacay 25-kii bishan maalin Jimco aheyd.

Dadka degaankaasi lagu laayay oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa la keenay Magaalada Muqdisho, intii xilligaasi u dhaxeysayna waxa ay ku jireen Talaagad, maadaama ehelada dadkii la laayay ay ku qanci waayeen dhacdadan.

Aaska Qaran ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya lagu sameeyay dadkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowladda, ehelada dadkii la laayay iyo xubno kale.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo warbaahinta la hadlay aaska kadib ayaa waxa uu sheegay Dowladda iyo ehelada dadka la laayay in ay ka wada heshiiyeen dhacdadii degaanka Bariire, wuxuuna sheegay halkaasi in si kama ah loogu dilay dad shacab ah.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay in dabagal dheeraad ah ay ku sameyn doonaan dhacdadii Bariire, aysana suuragal noqoneyn Askari Mareykan ah in halkaasi uu tago dadna uu ku laayo.

Dowladda Federaalka ayay ka codsadeen in arrintan ay wax badan ka qabato, iyaga oo sidoo kale tilmaamay in ay ka war sugayaan baaritaanka ku aadan arrintan ee ay wado Dowladda, oo aysan ka hordhaceyn.

Geesta kale ehelada dadkii lagu laayay Bariire waxa ay sheegeen Dowladda in ay garowsatay dhanka wanaagsan in wax loo wado, ayna ka sugayaan baaritaan dhab ah Dowladda in ay arrinatan ka keento.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay u xilsaartay Guddi ay ku jiraan Wasiiro, oo tagay Bariire, kulamana la soo qaatay dadka waxgaradka ah, iyo ehelada dadii la laayay, waxaana laga sugayaa in ay soo gudbiyaan xaqiiqada rasmiga ah.