Lafta Gareen oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta dhiiri-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan furimaha dagaalka.
Ciidamada ayaa saakay fuliyey howlgal guuleystay oo lagu dilay in ka badan 35 dhagarqabe oo Khawaarij ah, kuwaas oo horjooge ajanebi ah uu ku jiray, iyadoo Khawaarijta laga dhaawacay in ka badan 60 maleeshiyaad ah, meydadka khawaarijta ayaa maanta lagu soo bandhigay gudaha magaalada Baydhaba.
Lafta gareen ayaa sheegay in ay muhiim tahay in qofkasta uu ka qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.