Laba Nin oo ku Eedeysan dil oo laga soo qabtay Xadka Kenya oo loo gacan geliyay Puntland

Taliska qaybta booliska Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Taliyaha Qeybta booliska Gobolka Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yusuf ayaa maanta saraakiil ka tirsan ciidanka Jubaland kala wareegay eedaysanayaasha kala ah Cawil ciise xirsi iyo aadan cilmi ciise 29/1/2024 dagmada jariiban ku dilay Marxuum Cabdiraxman maxamed Afrax, kuwaasi oo laga soo qabtay Xuduudka Kenya iyo somaliya oo laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Cabdulahi Yusuf Axmad

Booliiska Jubbaland ayaana howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay eedaysanayaal lagu kala magacaabo Cawil Ciise Xirsi iyo Aadan Cilmi Ciise kuwaaas oo ku eedeysan in 29/1/2024 degmada Jariiban ay ku dileen Marxuum Cabdiraxman Maxamed Afrax.

Raggan dilka geestay ayaana booliiska Jubbaland kasoo qabteen xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, xilli ay doonayeen in gudaha u galaan dalka Kenya, waxaana laga dejiyay magaalada Gaalkacyo, iyadoona lagu wareejiyay booliiska Puntland.