Warbixin rasmi ah oo haatan kasoo baxday xulka qaranka England ayaa ah mid aan gabi ahaanba u wanaagsanayn kooxda hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ee Liverpool kaddib markii dhaawac iyo xanuun lagu reebay xiddigaha kooxdooda ee xulka.
Labada ciyaartoy ee kala ah Joe Gomez iyo Jordan Henderson ayaa labadaba laga saaray liiska xulka ee ka qayb qaadanaya kulankooda ugu dambeeya isreeb-reebka tartanka Euro 2020 ee ay booqan doonaan xulka Kosovo.
Kabtanka Reds ee Henderson ayaa sababta uu isagu uga hadhay xulka kulankaas ay tahay inuu awoodi waayo kasoo kabashada xanuun Virus ah oo ku sababay inuu seego kulankii ay dhawaan la yeesheen Montnegro.
Dhinaca kale da’yarka Gomez oo soo dhawayn aan fiicnayn jamaahiirta xulka kala kulmay kulankii dhawaa ayaa ku hadhay dhaawac jilibka ah oo gaadhay tababarkii shalay oo Jimce ah uu xulku sameeyay.
Warbixin kasoo baxday xulka England ayaa odhanaysa “Jordan Henderson iyo Joe Gomez waxa ay seegi doonaan kulanka ugu dambeeya isreeb-reebka Euro 2020 ee England ay Axada ku ciyaarayso Kosovo”.



