Waxaa maanta mar kale baaqday kullanka xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ay ku lahaayeen xarunta Baarlamaanka,waxaana la sheegayaa in weli gudoonka Baarlamaanka uu ku mashquulsanyahay xal u helida khilaafka ka dhasahay kala diristii guddiga Maaliyada ee Golaha.
Ilaa iyo haatan gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ma aysan ka hadal sababta uu kullankaasi u baaqday waxaase jira warar sheegaya in gudoonka golaha gaar ahaan gudoomiye Mursal uu kullamo la yeelanaayay guddiga maaliyada.
Warar kale oo Risaala ay heleyso ayaa tibaaxaya in gudoonka baarlamaanka Soomaaliya uu ku mashquulsanyahay doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo faragelinta la sheegay in ay Dowladda Dhexe ku heyso, waxaana maanta oo ugu dambeysay Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan uu kullan kula qaatay xafiiskiisa safiirka UK ee Soomaaliya David Cancar waxa uuna kala hadlay arrimo quseeya doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ilaa iyo afar kullan oo xildhibaanada golaha Shacabka ay lahaayeen ayaa horaan sidaan kale u baaqday, waxa ayna sida muuqata hoos dhigaysaa howsha xildhibaanada golaha oo ay hor yaallaan hindise sharciyeedyo muhiim ah.



