Kullamada Galabta & Caawa Laga Dheelayo Koobka Adduunka

Switzerland ayaa Sweden kula ciyareysa garoonka Crestovsky Stadium kulanka hore ee wareega 16ka koobka adduunka, iyadoo labada xulba ay ku dagaalamayaan wareega quarter-finalka Koobka Adduunka.

Swiss ayaa kusoo baxday kaalinta labaad ee Group-keeda oo ay kula jirtay Brzil markii ay soo gaarayeen wareega 16-ka koobka adduunka.

Xulka uu hogaamiyo Vladimir Petkovic ayaa ku guuleysatay kaalinta lixaad ee qiimeynta bilaha bishii mar sameyso FIFA, ka dib markii ay guuldareysteen kaliya mid kamid ah 25kii kulan ee ugu dambeyay.

Dalka Sweden waxaa ka maqnaan doona Sebastian Larsson, ciyaaryahanka khibrad badan ayaa ganaax ku seegaya ciyaartaan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee AIK Gustav Svensson ama Oscar Hiljemark oo u ciyaara Genoa ayaa bedeli doona xiddiga khadka dhaxe ee Sunderland.

Dhanka kale, Switzerland, waxaa ka maqnaan doona daafaca dhexe Fabian Schar iyo daafaca midig Stephan Lichtsteiner, iyadoo labada ciyaaryahan ay gudanayaan ganaax hal kulan ah.

Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa galabta saacdu marka ay tahay 5:00 Galabnimo.

Dhinaca kale Raheem Stirling ayaa qadarinaya taageerada dhamaan taageerayaasha England, waxaana uu xaqiijiyay inuusan wali fasax ka haysan xagooda.

Colombia ama England oo ku dagaalamaya wareega 8da ciyaaraha Russia 2018, iyadoo mid kasta uu kujiro qaab ciyaareed wanaagsan.

Kulankaan ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay ee lagu ciyaaro garoonka Spartak Stadium ee magaalada Moscow oo lagu dhaliyay 14 gool afartii kulan ee hore loogu ciyaaray.

Davinson Sanchez ayaa kulankaan kaga hor imaanaya saxiibo ay aad isugu dhawyihiin oo katirsan kooxda Tottenham.

Tababaraha England Gareth Southgate iyo ciyaaryahanka waayo araga ah ee Ashley Young ayaa fursad u helay inay Spartak Stadium kula hadlaan saxaafada ka hor kulanka.

Gareth Southgate wuxuu fahansan yahay sida uu sheegay in mas’uuliyadda England ugu weyn uu leeyahay isaga, laakiin wuxuu aaminsan yahay in ay marwalba meel wanaagsan gaari karaan.

Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa saacudu marka ay tahay caawa 9:00 Fiidnimo